Juventus oo ku dhawaaqday liiska xiddigaha kaga qeyb galaya kulamada Champions League xili ciyaareedkan

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha qaaska ah ee kaga qeyb galaya tartanka Champions League inta lagu gudi jiro xili ciyaareedkan 2019/2020.

Juventus ayaa dooneysa xili ciyaareedkan inay ku guuleysato koobka Champions League, kaddib markii ay saraakiisha Bianconeri dib u habeen xoogan ku sameeyeen safka kooxda saxiixyo waaweyn, sida daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt.

Bianconeri ayaa ku dhawaaqday liis ka kooban 22 ciyaartoy uu ku tiirsanaan doono tababare Maurizio Sarri kulamada Champions League ee xili ciyaareedkan.

Waxaa liiskan ku soo bixin magacyada xiddigo muhiim ah uu ugu horeeyo Giorgio Chiellini kaasoo qaliin looga sameeyay jilibka lugta midig, waxaan sidoo kale liiskan ku soo bixin xiddigaha Emre Can iyo Mario Mandžukić.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 22 ciyaartoy ee kooxda Juventus kaga qeyb galaya tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2019/2020:

Wojciech Szczesny, Mattia De Sciglio, Matthijs de Ligt, Miralem Pjanic, Sami Khedira, Cristiano Ronaldo, Aaron Ramsey, Paulo Dybala, Douglas Costa, Alex Sandro, Danilo, Blaise Matuidi, Juan Cuadrado, Leonardo Bonucci, Gonzalo Higuain, Daniele Rugani, Merih Demiral, Adrien Rabiot, Rodrigo Bentancur, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi, Gianluigi Buffon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here