Wenger oo sheegay inuu koox Tabare u noqo doono

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababarihii hore Arsenal ee Wenger ayaan daaqadda ka saarin in uu laylin doono mid ka mid ah qaramada dunida ee ka qeyb gali doona koobka aduunka ee xagaaga 2022-ka

Wenger ayaa shaqo la `aan ah ka dib markii uu Arsenal ka tagay sanadkii 2018-ka ka dib 22 sano oo uu ku qaatay kooxdaas

Macalinkaas 69 sano jirka ah ayaa Arsenal la qaaday sedex koob oo horyaalka Ingiriiska ah iyo 7 jeer oo ah FA Cup-ka

Marar badan ayaa lala xariiriyay in uu laylin doono naadiyo gaar aaan kooxda Newcastle ka dib markii Benetez uu ka huleelay balse waa uu diiday

Bein Sport ayuu ka sheegay in uu aamisnan yahay in qaran weyn uu laylin doono waliba ka qeyb galaya koobka aduunka 2022-ka

“Waxaan mar waliba haminayaa in aan dhamaadka koobka aduunka iska dhex arko , waxaan rajeynayaa in aad i arki doontaan” ayuu sii raaciyay Wenger

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here