Willian oo diidan In Heshiis cusub u saxiixo Chelsea

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ilo wareedyo saxaafadda Italy ay qoreyso ayaa sheegaya in garabka kooxda Chelsea ee willian uu qorsheynayo in xagaaga dambe u wareego Juventus

Willian aya xagaagii hore lala xariiriyay Barcelona balse Chelsea ayaa diiday ka dib markii Hazard uu u wareegay Real Madrid dhawaan

Tutto Mercato ayaa sheegeysa in laacibkaas reer Brazil uu diiday in hishiis cusub uu u saxiixo Chelsea xilli midkiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe

Talaabada uu ku diiday Willian in qalinka uu ku duugo hishiis cusub ayaa ah ka dib wadahadallo uu la galay Juventus ayna isla meel dhigeen in qaab xor ah ugu soo wareego marka xilli ciyaareedka uu dhamaado

Juventus ayaa xagaagaan dhowr ciyaartooy kula soo wareegtay qaab xor ah waxaana ka mid ah Ramsey oo ay Arsenal ka soo heleen iyo Rabiot oo PSG ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here