Jamaahiirta Real Madrid Oo War Ay Ku Diirsadeen Ka Helaya Xarunta Tababarka Kooxdooda & SADDEX Ciyaartoy Oo Dhaawac Kasoo Laabtay

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa war ay ku diirsadeen ka helaya xarunta tababarka ee kooxdooda kaddib markii ay maqleen warka wanaagsan ee sheegaya in saddex ciyaartoy oo dhibaatooyin dhaawac ka qabay ay soo laabteen.

Tababarkii ugu horreeyay ee buuxa ee toddobaadkan ayay shalay dhammaysteen xiddigaha Madrid iyadoo uu hoggaaminayay macalinka kooxda Akaademiga ee Raul Gonzalez.

Tababarka shalay ayaa ahaa mid aysan u dhammayn xiddigaha kooxda koowaad ee Real Madrid waxaana ka joogay kaliya toddoba ciyaartoy sababtoo ah inay intooda badani haatan ku maqan yihiin xulalka dalalkooda.

Haatan, Tababare Zidane ayaa haysta sabab uu u dhoola-caddeeyo kaddib markii uu saxeexa cusub ee Rodrygo Goes oo dhaawac ku maqnaa uu tababarka dhammaystay isla markaana James Rodriguez iyo Brahim Diaz ay sameeyeen jimicsi door ah.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Maxaa Ka Jira In Mohamed Salah Iyo Barcelona Kulmeen Dhawaan , Wenger Oo Jeediyay Dalab La Yaab Leh Lana Xariira Barnaamijka VAR

Dhinaca kale Karim Benzema ayaa tababarkiisa ku qaatay xarunta jidh dhiska ee kooxda balse warka aan u fiicnayn taageerayaasha kooxdaas ayaa ah in Eden Hazard oo waajibaadkiisa xulka Belgium laga soo fasaxay uusan tababarkii shalay ka qayb galin.

Isco Alarcon oo uu dhawaan dhaawac cusubi gaadhay iyo Marco Asensio oo mudo dheer inuu maqnaado la filayo ayaa iyagu sii wadaya isku daygooda soo kabasho buuxda.

Ugu dambayn, Soo laabashada saddexdaas ciyaartoy ayaa kusoo beegmaysa xilli kooxda ay kusoo wajahan yihiin kulamo muhiim ah oo ay la kala yeelan doonto kooxaha Levante, PSG kulanka furitaanka Champions League iyo kulamada kale ee horyaalka ee Sevilla iyo Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here