Rakitić oo go’aamiyay wararka ku aadan inuu u dhaqaaqayo kooxda Juventus suuqa jiilaalka ee soo aadan

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wrgeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay heshiiska la filayo in xiddiga reer Croatia iyo kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ivan Rakitić uu ugu biiro Juventus uusan gabi ahaanba fashilmin, laakiin dib loo dhigay ilaa iyo suuqa jiilaalka ee soo aadan.

Ivan Rakitić ayaa ku dhawaaday inuu ka tago kooxda Barcelona si uu ugu biiro Juventus maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin labada koox wax heshiis ah kama aysan gaarin qiimaha uu ku baxayo xiddiga reer Croatia.

Ivan Rakitić ayaan si toos ah u ciyaarin 3-dii kulan ay kooxda Barcelona xili ciyaareedkan cusub ka ciyaartay horyaalka La Liga ee dalka Spain, taasoo ka dhigtay inuu go’aansado inuu baxo bisha Janaayo.

Wargayska ayaa warbixintiisan ku sheegay in kooxda Juventus ay isku dayi doonto in ay la soo saxiixato Ivan Rakitic markale bilo kaddib, iyadoo la filayo in xiddiga reer Croatia uu ku cadaadin doono saraakiisha Barcelona inay u ogolaadaan inuu baxo, kaddib markii uu waayay booskiisa jooogtada ah ee kooxda.

Barcelona ayaan u diidi doonin Rakitić inuu baxo, madaama tababare Ernesto Valverde uu garoonka Camp Nou ku dhex heysto xiddigo badan oo khadka dhexe ah kaddib imaanshiyaha Frenkie de Jong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here