Soomaliya oo Guul ka gaartay Zimbabwe

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray Zimbabwe oo ay 1-0 ku garaaceen lugta hore ee is araga hore ee isreebreebka Koobka Adduunka, iyadoo Ocean Stars ay cashar lama ilaawaan ah u dhigeen xulka Zimbabwe oo dhanka qiimeynta FIFA Soomaaliya ka sareeya 90 boos.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaarta bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda wacdarro ka dhigay garoonka El Hadj Hassan Gouled Aptidon Stadium, waxay qeybtii hore iyo qeybtii labaadba soo bandhigeen ciyaar tayadeeda ay aad u sareyso.

Xulka Soomaaliya ayaa helay fursad aad u faro badan labada qeyb ee ciyaarta balse kama aysan wada faa’ideysan iyagoo helay goolka guusha dhamaadkii ciyaartii ka dhacday garoonka Jabuuti oo hooy u ah xulka Ocean Stars.

Soomaaliya ayaa kubad baas iyo weerar lehba soo bandhigtay iyagoo koontaroolka ciyaarta ka heystay xulka Zimbabwe oo u soo baxay koobkii ugu danbeeyay ee Qaramada Arfrika.

Soomaaliya ayaa goolka guusha heshay ka dib kubad rogaalcelis ah oo ay qaadeen dhamaadkii ciyaarta iyadoo goolhaye Axmed uu fursad weyn ka beeniyay Zimbabwe laakiin daqiiqadii ku xigtay waxay Soomaliya goolka shabaqa ugu shubtay Zimbabwe.

Ocean Stars ayaa talaabo weyn u qaaday inay hore ugu sii socoto isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabanayo Qatar, iyagoo u baahan inay xaqiijiyaan guusha kulanka lugta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here