Kooxda Manchester City oo iska diiday fursad ay kula saxiixan kartay Philippe Coutinho

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay hoos u dhigtay fursad ay kula saxiixan kartay weeraryahanka reer Brazil ee Philippe Coutinho oo ay kaga soo qaadan kareen naadiga Barcelona intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

27-sano jirkaan ayaa la la xiriirinayay kooxaha sida Arsenal, Manchester United, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ka hor inta uusan ugu dambeyn heshiis amaah ah ugu biirin kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka.

Coutinho ayaa lagu wadaa inuu inta ka dhimman xilli ciyaareedka 2019-20 la qaato kooxda ka ciyaarta horyaalka Bundesliga ka hor inta uusan si rasmi ah ugu wada wareegin dhammaadka xilli ciyaareedka.

Sida uu warinayo hilinka TV3 kooxda Man City ayaa dhab ahaantii la siiyay fursad ay kula soo saxiixdaan xiddiga reer Koonfurta Ameerika, kaasoo ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii uu ku sugnaa Barca tan iyo markii uu kaga yimid dhinaca Naadiga Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ayaa sheegaysa in macallinka kooxda Citizens ee Pep Guardiola uu u sheegay kooxdiisa inay iska diidaan fursadda ay Coutinho ku keenayaan garoonka Etihad.

Kubbad-sameeyahan ayaa ka soo muuqday labadii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka Bundesliga ee ay kooxdiisa Bayern Munich ka horyimaadeen Schalke 04 iyo Mainz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here