Man United oo ku dhawaaqday liiskeeda rasmiga ah ee xiddigaha kaga qeyb galaya Europa League xili ciyaareedkan 2019-2020

0
21

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester United ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah liiska 24-ka xiddig ee kaga qeyb galaya tartanka UEFA Europa League xili ciyaareedkan 2019-2020

Red Devils ayaa gashay Group-ka L heerka Group-yada ee tartanka UEFA Europa League waxayna kula ciyaari doontaa kooxaha AZ Alkmaar, Astana iyo Partizan.

Manchester United ayaa kula ciyaari doonta kulankeeda ugu horeeya ee tartanka Europa League garoonka Old Trafford bisha September 19-keeda kooxda Astana, saacada marka ay tahay 22:00 waqtiga geeska Africa.

Shuruucda u dagan tartanka UEFA Europa League ayaa qeexaya in liiska kooxda loo kala saaro laba qeybood ee kala ah A iyo B.

Liiska xiddigaha A:

Eric Bailly, Diogo Dalot, David De Gea, Fred, Daniel James, Matej Kovar, Victor Lindelof, Anthony Martial, Juan Mata, Nemanja Matic, Marcos Rojo, Sergio Romero.

Liiska xiddigaha B waxaa ku jiro tiro aan xadidneen oo ay ka mid yihiin ciyaartoyda akaadiimayada ka soo baxay kuwaasoo loogu yeeri karo kooxda waqti kasa inta lagu gudi jirro tartanka, waxaana ka mid ah.

Jesse Lingard, Scott McTominay, Andreas Pereira, Paul Pogba, Marcus Rashford, Luke Shaw, Axel Tuanzebe, Lee Grant, Phil Jones, Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka, Ashley Young.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here