Tababareyaasha u shaarraxan abaal-marinta macallinka bisha Agoosto ee Premier League oo la shaaciyey

0
34

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa maanta la shaaciyey tababareyaasha afarta ah ee u sharraxan abaal-marinta macallinka bisha Agoosto ee horyaalka Premier League ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee Agoosto.

Macallin Pep Guardiola ayaa ka mid ah tababareyaasha u tartamaya abaal-marinta macallinka bisha ee horyaalka Premier League, waxaana hoggaamiyaha reer Spain uu tartamayaa inuu markiisii siddeedaad ku guuleysto.

Pep kooxdiisa Manchester City ayaa badisay saddex kulan, isla markaana ay barbaro gashay hal kulan afartii ciyaarood ee ugu horreysay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, iyadoo kooxda ku dheesha garoonka Etihad ay mudadaas dhalisay 14 gool, waxaana laga dhaliyey saddex gool oo qura.

Waxaa la tartamaya macalinka kooxda Liverpool oo kooxdiisa ay hogaamineysa horyaalka ka dib markii ay wada badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen bishii hore oo ay ku jirto kulankii ay ka badiyeen Arsenal.

Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa isaguna ka mid noqday xiddigaha u tartamaya abaal-marinta tababaraha bisha ee horyaalka Premier League kaddib markii ay natiijooyin wax ku ool ah kooxdiisu soo hoysay kulamadii ay dheeshay.

Waxaa isna sidoo kale sharraxan tababaraha kooxda Crystal Palace ee Roy Hodgson oo ah tababaraha ugu da’da wayn taariikhda horyaalka isagoo jira 72 sanno.

Macallin Hodgson waxa uu kooxdiisa ku hoggaamiyey guushii 2-1 oo ay garoonka Old Trafford kaga gaaren Manchester United, iyagoo sidoo kale labo kulan shabaqooda gool ka ilaashaday taasoo ka dhigaysa kooxda ugu difaaca fiicnayd bishii hore.

Tababaraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa isna dhammaystiraya afarta tababare ee u sharraxan abaal-marinta macallinka bisha ee Premier League, isagoo kooxdiisa ku hoggaamiyay kaalinta saddexaad ee horyaalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here