Arsenal oo shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha Agoosto

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Laacibka Bisha ee xili ciyaareedkan cusub 2019/20.

Laacibka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa loo caleemo saaray Laacibka Bisha ee kooxda Arsenal, kaddib qaab ciyaareed fiican uu soo bandigay bishii Agoosto, isagoo qabtay shaqo aad u fiican.

Aubameyang ayaa awooday inuu dhaliyo goolka kaliya ee kulankii ay la ciyaareen Newcastle United, wuxuuna Gunners gacanta u galiyay saddex dhibcood oo muhiim u aheyd.

30-sano jirkan ayaa halkiisa ka sii waday gooldhalintiisa kooxda Arsenal wuxuuna markale gaaray shabaqa naadiga Burnley, isagoo dhaliyay markale goolkii guusha ee ciyaartaas, kahor inta uusan baas uu siiyay Lucas Torreira uu gool ku dhaliyay kulankii Liverpool.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhawaan dhaliyay goolkii barbaraha ee kulankii ay la ciyaareen kooxda Tottenham, kaasoo ku soo idlaaday barbaro 2-2 ah.

Aubameyan ayaa helay 34% kaddib codeyntii ay dhiibteen taageerayaasha ee Laacibka Bisha kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here