Olivier Giroud oo la filayo inuu dhammaadka xilli ciyaareedkan ka tago Kooxdiisa Chelsea

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan Olivier Giroud ayaa la filayaa inuu ka dhaqaaqo dhammaadka xilli ciyaareedkan kooxda Chelsea, isagoo ku sii jeeda horyaalka MLS-ka Waddanka Mareykanka.

Shabakadda ciyaaraha ee RMC Sport ayaa warinaysa inuu Olivier Giroud haysto dooqyo kala duwan marka uu dhammaado qandaraaskiisa kooxda Blues dhammaadka kal ciyaareedkan oo ay ku jirto inuu aado dhinaca horyaalka MLS-ka.

Weeraryahanka reer France ayaa xagaagii la soo dhaafay loo gacan geliyey heshiis kordhin hal sano ah, laakiin waxaa loo ogolaan karaa inuu beeca xorta ah kaga tago Blues sanadka 2020.

Isagoo jira da’da 32-sano, Weeraryahanku waxa uu u furan yahay loollan cusub, waxaana loo maleynayaa inuu xiiso u qabo inuu aado horyaalka dalka Mareykanka ee Major League Soccer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here