Dacwadda ka dhanka ah agtarka Sharukh Khan loo gudbiyay maxkamadda sare?

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maxkamadda sare ee gobolka Calcutta ayaa ku amartay jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan inuu diiwaan galiyo warqad dhaar ah oo uu ku caddeynayo nooca uu yahay xiriirka uu la leeyahay Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM), sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV.

Garsoore Debangshu Basak oo ka tirsan maxkamadda ayaa dhageysanaya dacwad ay gudbiyeen labo arday oo wax ka tirsanaa machadkaas, oo horay u xiray qaar ka mid ah laamaha uu ku lahaa waddanka.

Ardayda ayaa sheegay inay xaruntan waxbarasho uga khasaartay lacag dhan Rs 20 lakh(oo u dhiganta qiyaastii $28,000 oo doolar), qofkiiba, taasoo ay bixiyeen markii ay iska diiwaan galinayeen mac-hadka IIPM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here