Haween ku nool kismaayo oo abuurtay fursado ganacsi oo nolosha reerkoda ku mareeyaan.

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Fursado ganacsig oo nolosha reerkooda ku mareeyaan ayay abuurteen haweenkan oo ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Haweenkan ayaa inta badan afaafka guryahooda ku iibiya nuucyada kala duwan ee qudaarta halka kuwa kalana ay iibiyaan dharka ha I wareerinta.

Fartuun Abdulahi Aadan waxa ay ka ganacsataa dharka iyo Shobinka hablaha kuwaas oo ay ku iibiso qaab loo yaqaan ha i wareerin sido kale Xaliimo Faarax iyada waxa ay leedahay miis yar oo ay qudaarta ku gado kaas oo uga dhex furan gurigeeda, waxana ay ka waramayaan sida nolosha reerkooda uga mareeyaan fursadahan ganacsi ee ay abuurteen.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here