Juventus oo dharbaaxo xoog leh bisha Janaayo la damacsan Kooxda Manchester United

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Koooxda kubada cagta Juventus  ayaa dharbaaxo wayn la damacsan Naadiga Manchester United, waxaana ay ku fikiraysaa kooxda reer Talyaani in ay si bilaash ah kula wareegaan goolhaye David De Gea bisha Janaayo.

De Gea oo ka mid ah goolhayeyaasha loogu jecel yahay kubadda cagta waqtigan ayaa qandaraaskiisa kooxda Man Utd waxaa ka harsan xilli ciyaredkan oo kaliya, waxaana ay  kooxda reer Talyaani adeegsanaysaa qorshaheeda suuqa si ay heshiis ula gaarto bisha Janaayo ee soo aaddan, islamarkaana ay ula wareegto xilli ciyareedka soo socda bilowgiisa.

Madaxda Kooxda Juventus ayaa qorshahooda suuqa waxa ay dhownahanba diiradda ku saarayeen in ay si bilaash ah ku helaan xiddigo tayo sare leh, waxaana laga tilmaami karaa Aaron Ramsey, Emre Can iyo xiddigo kale waxaana ay markaan awoodooda iskugu geyn doonaan sidii ay kula oo saxiixan lahayeen qabtaha kooxda Manchester United.

David de Gea waxa uu kacago jiidayaa in uu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa  Man United waxaana  ku fikirayaa in kooxdiisa ka hawo badasho, waxaana la fahansan yahay in naadigiisa ay iska iibin doonan suuqa bisha Janaayo haddii uu diido qandaraas kordhin Goolhayaha reer Spain.

Shabaq-ilaaliye De Gea ayaa Man United ku soo biiray xilli ciyaareedkii 2011-2012, waxaana uu kooxdiisa u saftay kulamo gaaraya 279, iyadoo la filayo in kooxdiisa uu faarujin doono marka uu dhammaado qandaraaskiisa xagaan, waase haddii uusan saxiixin heshiis kale oo uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here