Machadka tababarka macalimiinta Hirshabeelle iyo Galmudug oo laga dhagax dhigay Baladweyne.

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay mashariic lagu dhisayo xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Baladweyne.

Mashaariicdan ayaa waxaa ka mid ah labo iskuul hoose dhexe oo laga hirgelinayo xaafaddaha Buundo weyn iyo Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, sidoo kale waxaa la dhagax dhigay machadka tababarka macalimiinta Hirshabeelle iyo Galmudug oo nasiib u yeelatay magaalada Baladweyne kaasoo laga hirgelinayo guufaale.

Agaasimaha Care ee Soomaaliya Cabdulahi Iimaan iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa ka waramaya ahmiyadda mashariicdan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyay mashariicdan.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here