Trump oo joojiyay heshiiskii nabadda ee Taalibaan lalagalay.

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan.

Mr Trump ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo inay aheyd inuu Axadda kula kulmo Madaxweynaha Afgaanistaan, Ashraf Ghani, iyo hogaamiyayaal sarsare oo Taalibaan ka tirsan.

Hasayeeshee waxa uu baajiyay shirkaasi ka dhici lahaa Camp David kaddib markii Taalibaan ay sheegatay inay ka dambaysay weerrar dhawaan ka dhacay magaalada Kaabul kaas oo uu ku dhintay askari Ameerikaan ah.

Ninka Mareykanka u qaabilsan wadaxaajoodka Zalmay Khalilzad ayaa waxa uu Isniintii ku dhawaaqay in ‘mabda’ ahaan’ heshiis nabadeed lala gaaray Taalibaan.

Mareykanka ayaa haatan waxaa dalkaasi ka joogta ku dhawaad 14,000 oo askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here