Van Dijk oo ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Liverpool

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wargeyska “The Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in Liverpool ay kala heshiisay daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk inuu u saxiixo qandaraas cusub, kaddib markii ay labada dhinac heshiis buuxa wada gaaraan, toddobaadyo wadahadal ah kaddib.

Heshiis kordhinta Virgil van Dijk ayaa waxay imaaneysaa kaddib shaqadii fiicneyd uu ka soo qabtay kooxda Liverpool xili ciyaareedkii hore, isagoo ka caawiyay inay ku guuleysato tartanka Champions League iyo UEFA Super Cup, kaddib in mudo ah aysan ku guuleysanin.

Qandaraaska uu haatan Van Dijk kula joogo kooxda Liverpool ayaa wuxuu dhacayaa 2023, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Southampton qiimo dhan 75 milyan ginni 20 bilood ka hor.

Heshiiska cusub ee la filayo inuu dhawaan saxiixo Virgil van Dijk ayaa waxaa mushaarkiisa toddobaadlaha ee haatan ah £ 125,000 la gaarsiin doonaa ilaa iyo 200,000, isagoo qalinka ku duugi doona qandaraas gaaraya ilaa iyo 2025.

Qandaraaska cusub waxaa qeyb ka ah gunnooyin badan, oo ay ka mid yihiin tirada kulamada uu kooxda ka soo muuqdo, iyo inta jeer uu shabaqiisa ka ilaashado waxgool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here