Ku dhawaad 1,500 oo ruux oo kulayl ugu dhintay Faransiiska

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kulayl heerkii ugu sarreeyay gaaray oo Faransiiska ku dhuftay bilihii Juunyo iyo Luulyo ee sannadkan ayaa dilay 1,435, sida ay shaacisay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

Agnès Buzyn oo la hadashay Idaacad Faransiis ah ayaa sheegtay in kala bar dadka dhintay ay da’doodu ka waynayd 75 sano.

Balse Buzyn ayaa sheegtay in tallaabooyin ka hortag ah oo la qaaday ay horseedeen in 10 jibaar hoos loo dhigo dhimashada marka la barbar dhigo kulaylkii darnaa ee sannadkii 2013 ku dhuftay Yurub.

Faransiiska ayaa bishii Juunyo diiwaan galiyay kulaylkii ugu darnaa ee abid soo mara, kaas oo ahaa 46C.

Magaalada Paris ayaa iyadana laga diiwaan galiyay kulaylkii ugu darnaa ee abid soo mara, bishii Luulyo ayuuna kulaylku gaaray 42.6C.

Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegtay in kulalkii koobaad ee sannadkan ku dhufta dalka uu dhacay 24 Juunyo ilaa 9 Luulyo ayna ku dhinteen 567 ruux. Kulaylkii labaad ayaa dhacay 21 ilaa 27 Luulyo waxaana ku dhintay 868.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here