Mashariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Balcad oo xariga laga jaray.

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen oo ay weheliyaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle  ayaa ka xariga ka jaray mashariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe.

Mashariicdan horumarineed ayaa waxaa ka mid ah garoon kubadda cagta, ceel biyood, isbitaal iyo iskuul hoose dhexe iyo sare.

Guddoomiyaha degmada Balcad guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle,wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle iyo wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa si wada jir ah u sheegay in mashariicdan ay ahmiyad weyn ugu fadhiyaan shacabka Balcad.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen ayaa ka waramaya ahmiyadda mashariicdan ay u lee yihiin shacabka degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here