Ramos oo RIKOOR taariikhi ah ka sameeyay xulkiisa qaranka Spain

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay guushii weyneyd ay xalay ka gaareen xulka Faroe Islands.

Xulka qaranka Spain ayaa ku martigaliyay dhigooda Faroe Islands garoonka El Molinon kulankii ay xalay wada ciyaareen, kaasoo ku soo idlaaday 4-0.

Ramos ayaa xalay ka sameeyay xulkiisa qaranka Spain rikoor cajiib ah ee dhanka safashada kulamada.

Kabtanka kooxda Real Madrid ayaa wuxuu ciyaaray 167 kulan ee caalami ah, isagoo rikoorkan ka soo barbareeyay halyeeyga xxulka qaranka Spain ee Iker Casillas.

Yeelkadeeda, 33 jirkan ayaa xaqiijiyay inuu bar-tilmaameed ka dhiganayo inuu gaaro ilaa iyo 200 kulan ee xulka qaranka Spain ah, wuxuuna ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada.

“Waxaa jira rikoorro aan caadi aheyn ee loo baahan yahay in la jabiyo”.

“Waxaan rajeynayaa in xamaasadan iyo hamigeyga ay marwalba ila socon doonaan si an u gaaro 200 kulan, taasna waa ujeedka aan leeyahay” ayuu yiri Sergio Ramos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here