Xildhibaano Kenyan ah oo isku dhex feeray kaniisad.

0
39

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dadweynaha Kenya ayaa caro ka muujiyay 2 ka tirsan baarlamaanka dalkaasi o Axaddii isku dhex feertay kaniisad ku taalla bartamaha Kenya

labada xildhibaan ayaa doonayay inay la hadlaan dad ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Kiharu markii uu dhex maray muran

Dadweynaha Kenya qaar ka mid ah ayaa soo dhigay baraha Twitter-ka iyo Facebook-ga muuqaalka dagaalka dhexmaray labada xildhibaan

Waa arrin caadi ah in siyaasiyiinta ay hadallao siyaasadeed ka jeediyaan kaniisadaha, waxaana waddanka hadda ka jira dood siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa oo ku aadan doorashada 20222-ka taasoo sababtay in xisbiga talada haya uu u kala jaba laba garab.

labada xildhibaan Ndindi Nyoro iyo Maina Kamanda waxay ka tirsan yihiin xisbiga tallada haya ee Jubilee balse laba garab oo iska soo horjeeda ayay kala taageersan yihiin.

Taliyaha booliska Kenya oo ku sugnaa kaniisadda ayaa la arkayay isagoo soo kala djexgalaya labada xildhibaan ee is feerayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here