Beeraleyda Baladweyne oo lagu wareejiyay matooro loogu talo galay inay ku waraabiyaan beerahooda

0
13

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb  galay munaasabad matooro lagu gudoonsiinayay 375 ka mid ah beeraleyda magaalada Baladweyne.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdulahi Maxamed oo ka mid ah madaxda hay’ada ARC ayaa sheegay in matooradan ay ka kooban yihiin 1530 islamarkana loogu talo galay shan degmo oo ka tirsan Hirshabeelle.

“Matooradan waxay ka kooban yihiin 1530 waxaa loogu talo galay shan degmo oo ka tirsan Hirshabeelle 530 waxaan u soo qeybinay degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad 1000 waxaa loogu talo galay Baladweyne iyo Buula burde oo maanta qeybintooda aan halkan u joogno waxaa ka faa’ideysanaya 7,260 ruux oo beeraley ah”ayuu yiri Maxamed Cabdulahi Maxamed.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyay tageeradan hay’adda ARC ay siisay beeraleyda Hirshabeelle.

“Barnaamijka wuxuu qeyb ka yahay barnaamijka lagu xoojinayo u adkeysiga beeraleyda , abaaraha iyo fatahadaha, si ay u soo saartan qudurta la iib geeyo, waxaan rajeynaya in matooradan ay horseedan in la kordhiyo wax soo saarka beeraha si loo gaaro in la helo warshado yaryar oo kaalin ka qaata wax soo saarka”ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here