Ruwaanda oo qaabilaysa muhaajriin laga soo celinayo Liibiya

0
10

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xukumadda Rwanda ayaa soo gabagabeysay heshiis ay ku qaabilayso boqolaal muhaajiriin ah oo ku xanniban dalka Liibiya.

Heshiiskani oo ay Ruwanda la gashay hay’adda UNHCR iyo midowga Afrika ayaa qaybtii ugu horreysay oo dhan 500 oo qof ayaa loo soo duulin doonaa Ruwanda toddobaadyada soo socda.

Muhaajiriintani oo ay ka mid yihiin caruur ayaa intooda badan ka soo jeeda geeska Africa.

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba aada Liibiya iyaga oo doonaya in ay uga sii tallaabaan Yurub iyaga oo sii maraya badda Mediterranean-ka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 4500boo qof ay ku xayiran yihiin Liibiya islamarkana ay si degdeg ah ugu baahan yihiin in halkaasi laga soo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here