Iskuullo hoose dhexe oo laga dhagax dhigay magaalada Baydhabo.

0
21

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay saddex iskuull oo ka kooban hoose dhexe oo laga hirgelinayo magaalada Baydhabo oo xarunta gobolka Bay.

Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay ku nool yihiin caruur badan oo gaartay xiligii iskuulka la geyn lahaa balse aan fursad u helin islamarkana iskuulladan ay kaalin  ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa bogaadiyay dhagax dhiga iskuulladan.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here