Kooxda Arsenal oo ku xasuuqday Nottingham Forest Emirates Stadium

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Arsenal ayaa si xun u xassuuqday Nottingham Forest, kaddib markii ay 5-0 kaga adkaatay kulankooda koowaad ee tartanka Carabao Cup

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Arsenal oo ku ciyaareeysay Emirates Stadium.

Daqiiqadii 31-aad Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Gabriel Martinell, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Calum Chambers.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha kooxda Arsenal ayaa waxay markale sameeysay qaab ciyaareed fiican, waxayna abuurtay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad Rob Holding ayaa dheesha ka dhigay 2-0 iyadoo uu goolkan uu ka caawiyay saaxiibkiis Reiss Nelson.

Arsenal ayaa hogaanka sii dheereeysatay daqiiqadii 77-aad waxaana ciyaarta 3-0 ka dhigay Joseph Willock oo caawinta goolkan ka helay Hector Bellerin.

84 daqiiqo Reiss Nelson ayaa dheesha ka dhigay 4-0, waxaana goolkan ka caawiyay Calum Chambers.

Dhamaadkii ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 90-aad Gabriel Martinell ayaa dheesha ka dhigay 5-0, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Calum Chambers

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 5-0 ay guusha kaga Arsenal kooxda Nottingham Forest, oo marti ku aheyd Emirates Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here