Kooxda Barcelona oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Villarreal garoonkeeda Camp Nou

0
21

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah  ka gaartay Villarreal, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 6-aad Antoine Griezmann ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Barcelona wuxuund dheesha ka dhigay 1-0, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Lionel Messi.

15 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Arthur ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hogaamineyso Barcelona, waxaana goolkan ka caawiyay Sergio Busquets.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuurtay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 44-aad xiddiga kooxda Villarreal ee Santi Cazorla ayaa ciyarta ka dhigay 2-1. Iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Vicente Iborra.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay kooxda Barcelona guul kaga gaartay Villarreal oo marti ku aheyd garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here