Manc City oo guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Preston North End tartanka Carabao Cup

0
21

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester City ayaa guul raaxo leh  ka gaartay Preston North End, kaddib markii ay 0-3 kaga adkaatay kulankooda koowaad ee tartanka Carabao Cup.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 0-3 ay ku hogaamineysay kooxda Man City oo marti ku aheyd garoonka Deepdale.

Daqiiqadii 19-aad Manchester City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Raheem Sterling, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Eric Garcia.

35 daqiiqo Gabriel Jesus ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester City wuxuuna ka dhigay 0-2, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Phil Foden.

Daqiiqadii 41-aad xiddiga kooxda Preston North End ee Ryan Ledson ayaa iska dhaliyay gool kam ah wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha kooxda Manchester City ayaa waxay sameeysay qaab ciyaareed fiican, waxayna abuurtay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-3 ay guusha ku raacday kooxda Manchester City oo marti ku aheyd garoonka Deepdale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here