Taariikhda maalinta Iyo garoonka uu ka dhacayo kulanka koowaad ee El-Classico xilli ciyaareedkan oo lagu dhawaaqay

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa si rasmi ah u shaaciyay wakhtiga uu qabsoomi doono kulanka ugu xiisaha badan kubadda cagta caalamka ee El-Classico oo ay ciyaaraan kooxaha horyaalkaas ee Real Madrid iyo Barcelona.

Xifaaltanka kubaddeed ee labadan kooxood ayaa ah mid heer kale ah iyadoo kulankoodu uu yahay midka loogu jecel yahay guud ahaan caalamka ciyaaraha maadaama oo is aragoodu uu saamayn ku yeesho markasta kala sarreynta horyaalka.

Barcelona ayaa ah kooxda gacan sarreysay xilli ciyaareedkii hore maadaama oo ay saddex kulan soo guuleysatay hal kulana bar-bardhac soo gashay guud ahaan afar kulan oo ay soo wada ciyaareen tartamada oo dhan.

Barca ayaa qaadatay dhammaan lixda dhibcood ee horyaalka La Liga sanadkii hore waxaana ay sidoo kale 3-0 kaga guuleysteen Los Blancos kulankii afar dhammaadka ee Copa Del Rey halka lugtii labaad bar-bardhac min hal gool ah Camp Nou lagu soo galay.

Haddaba, Iyadoo ay sanadkan aar gudasho u socdaan xiddigaha Madrid ayaa kulanka ugu horreeya ee xilli ciyaareedkan ku dhex maraya labada kooxood laga dhigay mid ka qabsoomi doona gegida Barcelona ee Camp Nou.

Taariikhda kulankan lagu cayimay ayaa ah 26-ka October waxaana uu kulankani soo dhici doonaa 3:00 galabnimo ee wakhtiga geeska Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here