Isku aadka wareega afaraad ee Carabao Cup oo la sameeyay….(Chelsea iyo Man United oo qoorta la isku galiyay)

0
13

Baladweyne(Radio Beerlula)- Isku aadka wareega afaraad ee tartanka Carabao Cup-ka ayaa la sameeyay, kaddib marka ay soo idlaadeen kulamadii xalay wareega saddexaad ee tartankan.

Kaddib isku aadkii la sameeyay waxaa ka soo baxay labo kulan oo aad u xiiso badan ee lagu daawan doono wareega xiga ee tartanka Carabao Cup.

Liverpool ayaa balan adag kaga sameysatay kooxda Arsenal wareega xiga ee tartankan, kaddib isku aadkii la sameeyay, wuxuuna kulankan ka dhici doonaa garoonka Anfield.

Si la mid ah kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea ay ku wajihi doonto dhigeeda Manchester United garoonka Stamford Bridge.

Liverpool ayaa waxay kaga soo adkaadtay kooxda Milton Keynes Dons 0-2, waxaana goolasha u dhaliyay .xiddigaha James Milner iyo Ki-Jana Hoever.

Halka kooxda Chelsea ay kaga soo adkaatay naadiga Grimsby Town 7-1, waxayna Blues goolasha kaga mahad celineysaa xiddigaheeda kala ah Ross Barkley, Michy Batshuayi 2 gool ah, Kurt Zouma, Reece James, Callum Hudson-Odoi iyo Pedro Rodriguez.

Manchester United oo 90-ka daqiiqo barbaro 1-1 ah la dhaafi weysay kooxda Rochdale ayaa waxay ugu dambeyntii ku soo baxday rigoorayaal 5-3 ah.

Haddaba halka hoose kaga boggo isku adkaadka wareega xiga ee tartanka Carabao Cup oo dhameystiran:

Manchester City vs Southampton.

Everton vs Watford.

Aston Villa vs Wolverhampton

Barton vs Leicester City.

Crawley Town vs Colchester.

Oxford United vs Sunderland.

Liverpool vs Arsenal.

Chelsea vs Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here