Barcelona oo lagu ganaaxay 300 oo Euro sabab la xiriirta Antoine Griezmann

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiriirka kubadda cagta Waddanka Spain (RFEF) ayaa ganaax culus oo 300 oo Euro ah ku riday kooxda Barcelona, kaas oo ku saabsan isku daygii ay Barcelona ugu dhowaanaysay Griezmann xilligii uu u joogay Atletico Madrid.

Barcelona ayaa la soo wareegtay laacibka Atletico Madrid ee Griezmann 01 Bishii July ee la soo dhaafay markii ay shubtay lacagtii lagu jebinayay heshiiskiisii Atletico ee gaarayay 120 milyan oo Euro

Xiriirka ayaa sheegay in Barcelona ay bishii Maarso billowday in amar la’aan ay la xaajooto Griezmann, iyadoo aan ogolaansho ka haysan Atletico, waana middaas tan keentay in ganaax garka loo suro.

Laacibka Faransiiska ee Griezmann ayaa shaaciyay bishii May in uu ka tegayo Atletico Madrid, kaddib markii uu heshiis 5 sanadood ah u saxiixay Barcelona, kaas oo qandaraaskiisa cusubna lagu jebin karo 800 oo Milyan oo Euro, taasoo ka dhigaysa midka 6-aad ee caalamka ugu qaalisan ee kooxi iibsato.

Hadda ka hor ayaa December 2017, waxaa kooxda Atletico Madrid ay cabasho u gudbisay xiriirka FIFA iyadoo ku dacweysay Barcelona oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah u gor gorinayso laacibkooda Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here