Barcelona oo guul ka soo gaartay kooxda Getafe oo ay booqatay

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Barcelona ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay kooxda Getafe oo ay ku booqatay garoonka Coliseum Alfonso Perez, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-1 ah.

Daqiiqadii 41-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Luis Suarez, kaddib markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu goolhaaye Marc-Andre Ter Stegen soo tuuray.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad xiddiga kooxda Barcelona ee Junior Firpo ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-2 ay guul kaga soo gaartay Barcelona kooxda Getafe oo ku sugneyd garoonkeeda Coliseum Alfonso Perez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here