Chelsea oo guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Chelsea ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Chelsea ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Jorginho oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

76 daqiiqo Willian ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad uu si qurux badan u soo fursameystay.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaartay Chelsea kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here