Liverpool oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United oo ay booqatay

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United garoonkeeda Anthony Taylor, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsan horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, labada kooxoodba waxay sameeyeen qaab ciyaareed ku saleysan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 70-aad kooxda Liverpool ayaa hogaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Holand ee Georginio Wijnaldum.

Ugu dameyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here