Aubameyang oo go’amiyay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kahor kulanka Manchester United

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga reer Gabone ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu u dhaqaaqayo Manchester United suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Hadalka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu imaanayaa ka hor kulanka ay Arsenal ku booqan doonto kooxda Manchester United habeen dambe ee Isniinta ah Old Trafford si ay u soo xiraan kulamadii 7-aad ee Isbuucan laga ciyaaray horyaalka Premier League.

30 jirkan  reer Gabone ayaa 6 gool ku dhaliyay 6 kulan uu xilli ciyaareedkan ka soo muuqday kooxda Arsenal, isagoo 22 gool ka dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, isagoo kabta gooldhalinta ee Golden Boot la wadaagay xiddigaha kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax iyo Sadio Mane.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Sky Sports” wuxuu ku sheegay:

“Waxaan dareemayaa inaan wax uun ka badali karno kooxdan, waana isku dayi doonaa, hadda waa waqtigii lagu guuleysan lahaa koobab, waan hubaa inaan sameyn karno waana ku faraxsanahay inaan halkaan imaado”.

“Waxaan dareemayaa wanaag, sannadaha soo socda, waxaan rabnaa inaan sare u qaadno qaab ciyaareedkeena oo aan ku guuleysano koobab. taasi waa waxa aan ka hadlayno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here