Macallinka Inter Milan ee Antonio Conte oo doonaya inuu la soo wareego laacib khadka dhexe kaga ciyaara Kooxda Manchester United

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Antonio Conte ayaa la soo warinayaa inuu bartilmaameedsanayo Nemanja Matic oo uu doonayo inay kooxdiisu kula soo saxiixato beeca xorta ah xagaaga soo socda.

Xiddiga xulka qaranka Serbia kaasoo heshiiskiisa uu ku eg yahay xilli ciyaareedkan ayaa la la xiriirinayey inuu isaga tagi doono garoonka Old Trafford suuqii xagaaga.

Kaddib dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2018-19 ee niyad-jabka lahaa, Matic ayaa ka hadlay xiisaha uu u qabo inuu ciyaaro isagoo u sheegay Ole Gunnar Solskjaer inuu doonayo inuu dheelo xilli ciyaareedkaan, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uusan ku bilaaban mid ka mid ah afarta kulan ee furitaanka horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan.

Sida uu warinayo Warsidaha Calcio Mercato, Tababare Conte ayaa go’aansaday inuu ka faa’ideysto xaaladda Matic ku haysata garoonka Old Trafford, isagoo u dhaqaaqaya soo xero gelinta xiddigan khadka dhexe xagaaga soo aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here