Tababare Solskjær oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay u leedahay haddii ay ka adkaadaan Arsenal kulanka caawa

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay kulanka u dhexeeya kooxaha Red Devils iyo Arsenal, kaasoo ah kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Wiilasha Arsenal ayaa doonaya inay dhibcaha kaga soo qaataan Manchester United garoonkeeda Old Trafford caawa oo Isniin ah kaasoo aysan ku soo adkaan tan iyo sanadkii 2006.

Haddaba tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sport” kahor kulanka caawa wuxuu ku sheegay:

“Haddii aan badino , wuxuu noqon doonaa kulan gaar ah, had iyo jeer kulanka aan la ciyaareyno Arsenal wuxuu ahaa mid xiiso gaar ah u leh taageerayaasha iyo anagaba, waxaan natiijooyin fiican ka heysanaa iyaga”.

“Arrinta waxay ku xiran tahay inaan diiradda saarno nafteena, kaalinteenana waa aan qaadanaa, kaddib aan arragno haddii aan xalin karno dhibaatooyinka ay nagu sameynayaan”.

“Waxaan u maleynayaa in kulanka uu noqon doono mid furan, labada kooxood waxay xiiseenayaan inay weerartamaan, kulanka soo socdaana waa fursadda ugu fiican ee aan isku muujin karno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here