Kooxaha Man United iyo Arsenal oo barbaro ku kala baxay

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa dhibcaha ku qeybsaday Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, xilli Gunners ay wali wax guul ah ku gaari la’adahay  garoonkan tan iyo sanadkii 2006.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay Manchester United oo ku ciyaareysay garoonkeeda Old Trafford.

Daqiiqadii 45-aad ee dhamaadka qeybta hore ciyaarta Manchester United ayaa hogaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay Scott McTominay, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka ay dib ugu soo laabteen labada kooxood gudaha garoonka, waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed ku saabsan weerar iyo weerar celis, iyagoo sameeyay weeraro halis ah ee loo filan karay goolal.

58 daqiiqo kooxda Arsenal ayaa waxay heshay goolka barbaraha, waxaana 1-1 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis da’ada yar ee Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay bar-baro 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester United iyo Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here