Ronaldo oo si maldahan u sheegay arrimo ku saabsan qorshaha uu kaga fariisanayo ciyaarista kubadda cagta

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa tooshka ku iftiyay qorshihiisa mustaqbal ee kubadda cagta, wuxuuna sheegay inuu kaga fariisan karo labo sanno gudahood.

Cristiano Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta casrigan la joogo, sababa la xiriira inuu ku raaxeysanayo awoodiisa weyn, marka laga eego inuu goolal dhalin karo iyo inuu dhinaca kale kaligiis sameyn karo farqi.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu siiyay ” SPORTbible” wuxuu ku sheegay:

“Weli waan jeclahay kubadda cagta, waxaan jeclahay inaan madadaaliyo taageerayaasha iyo shaqsiyaadka jecel Cristiano, waxba igama quseeyaan da’ada, wax walba waxay ku xiran yihiin maskaxda”.

“Shantii sanno ee la soo dhaafay, waxaan bilaabay inaan ku raaxeysto arragtida waxyaabaha ka baxsan kubadda cagta, yaase garanaya waxa dhici doona sannad ama labo sanno kaddib”.

“Waxaan rajeynayaa inaan guulo badan gaaro sannadaha soo socda, kadibna waxaan ka fikiri doonaa inaan baxo”.

“Qof walba waxaa saaran culeys, qaabka aad ula tacaasho cadaadiska waa muhiim, waxay arrinta qaadatay sannado badan oo shaqo adag ah, ee isugu jira dedaal iyo kalgacal si aan u gaaro waxa aan kubbadda cagta ku haysto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here