Guud ahaan natiijooyinka kulammadii xalay laga ciyaaray Champions Leagu

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa Xalay la ciyaaray kulamo aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada labaad wareega Group-yada tartanka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Kooxaha Real Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Juventus, Tottenham iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ahaa kooxihii ugu muhiimsanaa ee Xalay ciyaaray kulammadii koobka horyaallada Yurub.

Kooxda kubadda cagta Juventus oo ku ciyaareysay garoonkeeda Allianz Stadium ay waxay guul 3-0 ah kaga gaartay naadiga Bayer Leverkusen, iyaddo ay goolasha kaga mahad celineyso xiddigaha Gonzalo Higuain, Federico Bernardeschi iyo Cristiano Ronaldo.

Bayern Munich ayaa dhinaceeda xasuuq u geysatay kooxda Tottenham Hotspur  iyagoo ku garaacay 2-7, goolasha Bayern ayaa waxay ka yimaadeen xiddigaha kala ah Joshua Kimmich oo gool ah, Lewandowski 2 gool ah, iyo Serge Gnabry oo 4 gool ah.

Dhinaca kale kooxda Manchester City ayaa guul kag gaartay garoonkeeda Etihad kooxda Dinamo Zagreb, kaddib markii ay kag adkaatay 2-0, iyadoo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Raheem Sterling iyo Phil Foden.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii  laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP A

Real Madrid 2 – 2 Club Brugge

Galatasaray 0 – 1 Paris Saint-Germain.

GROUP B

FK Crvena Zvezda 3 – 1 Olympiacos

Tottenham Hotspur 2 – 7 FC Bayern München

GROUP C

Atalanta 1 – 2 Shakhtar Donetsk

Manchester City 2 – 0 Dinamo Zagreb

GROUP D

Juventus 3 – 0 Bayer Leverkusen

Lokomotiv Moscow 0 – 2 Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here