kulamada caawa laga ciyaari doono Champions League

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kulamo ka tirsan heerka guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa la ciyaarayaa iyadoo kooxo waa weyn ay dheeli doonaan.

Kulanka ugu xiisaha badan ee caawa la wada sugayo ayaa ah kan ku dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Inter garoonka Camp Nou.

Kooxaha Liverpool, Chelsea, Napoli, Borussia Dortmund, iyo Valencia ayaa ugu madax fiiqan kooxaha caawa ka soo muuqan doona kulammada koobka horyaallada Yurub.

Liverpool ayaa caawa soo dhoweynaysa kooxda Salzburg, xilli Chelsea ay u safreyso kooxda Lille.

Kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund ayaa booqanaysa naadiga Slavia Prague, halka Valencia ay soo dhoweynayso naadiga reer Holland ee Ajax.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League iyo saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

GROUP E

7:55 Fiidnimo Genk Vs Napoli

10:00 Habeennimo Liverpool Vs Salzburg

GROUP F

7:55 Fiidnimo Slavia Prague Vs  Borussia Dortmund

10:00 Habeennimo Barcelona Vs Inter

GROU P G

10:00 Habeennimo RasenBallsport Leipzig Vs Lyon

10:00 Habeennimo Zenit St. Petersburg Vs Benfica

GROUP H

10:00 Habeennimo Lille vs Chelsea

10:00 Habeennimo Valencia vs Ajax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here