Mahrez oo ka mid ah saddexda ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga ugu fiican Man City bisha September

0
21

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester City ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggageeda baraha bulshada sida Twitter-ka iyo Facebook, magacyada saddexda xiddig u sharaxan inay ku tartamaan abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican kooxda Manchester City bisha September.

Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa abaal-marintan ciyaaryahanka ugu fiican kooxda Manchester City ee bisha September kula tartami doono xiddigaha Kevin De Bruyne iyo Rodrigo.

Manchester City ayaa ciyaartay 5 kulan bishii hore ee September, oo ay ku jiraan seddex kulan oo horyaalka Premier League ah, hal kulan Carabao Cup ah iyo mid ka mid ah kulamadii furitaanka wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa si layaab leh guuldaro 3-2 ah kala kulantay naadiga Norwich City, kulankii ugu horreeyay ee bishii Sebtember, kahor inta aysan wadada guulaha dib ugu soo laabanin, waxay 3-0 kaga adkaatay Shakhtar Donetsk tartanka Champions League, halka ay Watford ku dhufatay 8-0, sidoo kale kooxda Preston North ayeey kaga adkaadeen 3-0 koobka Carabao Cup, ugu dambeyntii Skay Blues ayaa kaga adkaatay Everton garoonka Goodison Park kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here