Muxuu ka yiri Zidane barbarihii ay xalay kula galeen kooxda Club Brugge

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kaga mahad celiyay ciyaartoydiisa qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen kulankii ay xalay kula ciyaareen naadiga Club Brugge tartanka Champions League.

Kooxaha Real Madrid iyo Club Brugge ayaa xalay dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Santiago Bernabeu kulan ka tirsanaa kulmada labaad GROUP A ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:

“Waxay ahayd natiijo xun, laakiin jawaab celinta qeybtii labaad way fiicneyd”.

“Ma farxi karno sababta oo ah waxaan helnay hal dhibic oo kaliya”.

“Labada gool ee naga dhashay waxay ahaayeen kuwo lagu qoslo, si fiican diirada uma saarin, ciyaarta si xun ayaan kaga bilaabanay”.

“Kooxda reer Belguim waxay gool nooga dhaliyeen isku daygoodii ugu horeeyay, kaddib waxaa sii xumaatay xaalada, waxayna dhaliyeen goolka labaad”.

“Waxaan u sheegay ciyaartoyda inaan heysano 45 daqiiqo oo aan wax ku sixi karno, waxayna runtii ku guuleysteen inay wax walba bedelaan, waxay ku soo galeen rabitaan weyn ee ah sida aan ku guuleysan laheyn  kulankan”.

“Haatan waan arki doonaa, waxaan ciyaareynaa kulanka soo socda ee horyaalka, waana ognahay in xaalad xun aan kaga jirno tartanka Champions League, laakiin waxaan sii wadaynaa wadada aan heyno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here