Kulamadii xalay laga ciyaaray Champions League

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa Xalay la ciyaaray kulamo aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada labaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Kooxaha Barcelona, Chelsea, Liverpool, iyo Inter Milan, ayaa ka mid ahaa kooxihii ugu muhiimsanaa ee caawa ciyaaray kulammadii koobka horyaallada Yurub ee Champions League.

Kooxda kubadda cagta Liverpool oo ku ciyaareysay garoonkeeda Anfield ay waxay guul 4-3 ah kaga gaartay naadiga Salzburg, iyaddo ay goolasha kaga mahad celineyso xiddigaha Sadio Mane, Andrew Robertson, Mohamed Salah oo 2 gool ah.

Dhinaca kale Chelsea ayaa guul dirqi ah kaga soo gaartay 1-2 kooxda Lille oo ay booqatay, iyadoo ay goolasha u kala dhaliyeen naadiga Blues xiddigaha Willian iyo Tammy Abraham.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP E

Genk 0-0 Napoli

Liverpool 4-3 Salzburg

GROUP F

Slavia Prague 0-2  Borussia Dortmund

Barcelona 2-1 Inter

GROU P G

RasenBallsport Leipzig 0-2 Lyon

Zenit St. Petersburg 3-1 Benfica

GROUP H

Lille 1-2 Chelsea

Valencia 0-3 Ajax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here