Horudhac: Liverpool vs Leicester City

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Liverpool oo aan xilli ciyaareedkan wax guuldarro ah aan la kulmin horyaalka Ingiriiska ayaa garoonkeeda Anfield waxa ay galabta kulan ka tirsan Premier League ku soo dhoweynaysaa naadiga Leicester City.

Tababare Klop iyo wiilashiisa Liverpool ayaa qaabilaya Leicester City iyagoo doonaya inay sii ilaashadaan rikoorkooda aan garoonkooda looga adkaan muddo fog isla markaana ay sii dheereystaan hoggaanka horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti,  Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 5:00 galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Christopher Kavanagh (England)

Garoonka: Anfield

Wararka Kooxaha:-

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa goor dambe go’aan ka qaadan doona haddii uu markale taam yahay goolhaye Alisson oo uu ku soo bilaaban karo kulankan, laakiin daafaca kooxdaas ee Joel Matip ayaa garoomada ka maqnaanaya.

Xherdan Shaqiri ayaa markale ka sii maqnaan doona Reds, maxaa yeelay waxa uu la dhibtoonayaa dhaawac kubka ka soo gaaray isagoo ku guda jiray tababarka kooxdiisa bishii hore.

Macallinka kooxda Leicester ee Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyey in James Maddison uu taam u noqon doono kulankan, kaddib markii dhaawac canqowga ka soo gaaray uu seejiyey guushii ka gaareen Newcastle.

Kaliya ciyaaryahanka mudada dheer ka maqnaanaya kooxda Leicester City waa Matty James, kaasoo weli garoomada ka sii maqnaan doona kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay horyaalka Premier League naadiga Leicester City, waxaana ay ka haysataa 6 guul iyo 2 barbaro, tan iyo markii ay guuldarro 0-2 kala kulantay bishii May ee sanadkii 2000.

>- Liverpool ayaa haatan guul gaartay 16 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League waana kooxdii labaad ee taariikhda ciyaaraha sare ee Ingiriiska sidaan oo kale sameysay kaliya waxaa ka fiican Manchester City oo gaartay 18 guul oo xiriir ah EPL intii u dhaxaysay bilihii Agoosto iyo December sanadkii 2017-kii.

>- Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 43-dii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kulammada horyaalka ku ciyaartay garoonkeeda, iyadoo aan Anfield looga adkaan 43-dii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku dheeshay kulamada horyaalka waxaana ay haystaa 33 guul iyo 10 barbaro.

>- Waa markii labaad oo rikoorka guuldarro la’aanta ugu dheer ay ku helayso garoonkeeda kooxda Liverpool iyadoo heerkeedii ugu fiicnaa ee aysan wax guuldarro ah kula kulmin garoonkeeda ay hayad intii u dhaxaysay bilihii February 1978-dii illaa December 1980-kii, markaasoo aan laga adkaan 63 kulan, laakiin markaas waxaa rikoorkaas soo gabagabaysay kooxda Leicester, miyey markale maanta soo afjari kartaa.

>- Tan iyo markii Brendan Rodgers loo magacaabay macallin Leicester City kaliya Liverpool oo heshay 49-dhibcood, iyo Manchester City oo uruursatay 46-dhibcood ayaa kaga dhibco badan hroyaalka Premier League naadiga Foxes oo heshay 31-dhibcood.

>- Leicester ayaa guuldarro la kulantay 11 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay wajahday kooxaha hoggaanka u ahaya horyaalka halka labada kulan oo kale ay barbaro gashay, guushii ugu dambeysay oo ay iyadoo bannaanka ku ciyaareysa ay ka soo gaarto koox hoggaanka horyaalka haysata waxa ay ahayd bishii Janaayo ee sanadkii 1998-dii oo ay ka soo adkaadeen Manchester United.

>- Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu macallin Brendan Rodgers dib ugu laabanayo garoonka Anfield tan iyo markii uu ka tagay Liverpool bishii October ee sanadkii 2015-kii.

>- Weeraryahanka kooxda Liecester City ee Jamie Vardy ayaa todobo gool oo horyaalka Premier League ah ka dhaliyey Liverpool, kaliya  Andrew Cole (11) iyo Thierry Henry oo 8 gool ka dhaliyey ayaa Reds goolasha ugu badan ka dhaliyey taariikhda horyaalka Premier League.

>- Haddii kulankan uu gooldhaliyo Sadio Mane waxa uu noqon doonaa goolkiisii 50-aad ee uu horyaalka Premier League u dhaliyo kooxda Liverpool isagoo u safanaya kulankiisii 100-aad kooxda, sidoo kale Mane waxa uu ka mid noqon doonaa 10 ciyaaryahan oo kala duwan oo 50 gool tartankan u dhaliyey Reds, waxaana ay noqon doonta in ka badan kooxaha kale.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here