kulanka La Liga ee kooxaha Real Madrid vs Granada & Guud ahaa kulammada laga ciyaarayo maanta iyo caawa horyaalka Spain

0
23

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhoweynaysa Granada kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 05 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 5:00 galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Santiago Jaime Latre (Spain)

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Kooxaha:-

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa la filayaa inuu taam u noqdo inuu ku soo bilowdo safka hore ee kulankan kaddib markii xanuun lagu bedelay qeybtii hore ee ciyaarta bartamihii todobaadkan, inkastoo sidoo kale shaki laga galinayo kulankan.

Nacho oo sheeganaya dhaawac jilibka ah, xiddiga mudada garoomada dhaawaca uga maqan ee Ferland Mendy iyo dambeedka bidix ee kooxda Marcelo ayaa seegi doona kulankan.

Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa la filayaa inay khadka dhexe ee Los Blancos kula soo bilaaban doonaan James Rodriguez.

Dhinaca kale Kooxda Granada ayaa la filaynin inay isbedello ku sameyso safkeedii guusha 1-0 ka gaaray Leganes isbuucii hore.

Ramon Azeez ayaa sidii wadan doona inuu Yangel Herrera kala ciyaaro khadka dhexe.

Darwin Machis iyo Antonio Puertas ayaa ku soo wada bilaabanaya, halka Roberto Soldado uu ciyaari doono sagaal beenaad saddexdaas ciyaaryahan ayaana iska kaashan doona weerarka Granada.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Real Madrid ayaa guul gaartay siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ka hortagtay Granada tartammada oo dhan.

>- Los Blancos ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 6 ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dhammaan tartammada la dheeshay Granada.

>- Real Madrid ayaa guul gaartay ama adkaatay labadaba qeybta hore iyo ciyaarta oo dhammaystiran 5 ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay kooxda Granada tartammada oo dhan.

>- Real Madrid ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Los Blancos ayaan la garaacin todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga, ama si kale haddii loo dhigay todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo Real Madrid dheeshay horyaalka La Liga waa guuldarro la’aan.

>- Kooxda Granada ayaan la garaacin shanti kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Guud ahaan Kulammada kale ee laga ciyaarayo horyaalka La Liga maanta iyo caawa & Saacadaha ay soo galayaan:-

02:00 Duhurnnimo Leganes vs Levante.

07:30 Fiidnnimo Valencia vs Deportivo Alaves.

10:00 Habeennimo Osasuna vs Villarreal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here