Liverpool oo guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leicester City garoonka Anfield

0
23

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leicester City garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1 kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Liverpool oo ku sugneyd garoonkeeda Anfield.

Daqiiqadii 40-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee dheesha Sadio Mane ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Liverpool wuxuuna ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay James Milner.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Leicester City ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay James Maddison.

Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda Liverpool ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay James Milner oo ciyaarta ka dhigay 2-1

Ugu dambeyntii kulankii adkaa ee ka dhacay garoonka Anfield ayaa wuxuu ku soo idlaaday 2-1 ah ay ku adkaatay kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here