RASMI: Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka bisha Sebtember ee Premier League oo la shaaciyay

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)-Website-ka rasmiga ah ee horyaalka Premier League ayaa wuxuu shaaca ka qaaday liiska xiddigaha u sharaxan abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Ingiriiska ee bisha Sebtember.

Bishii lasoo dhaafay ayaa la daawaday bandhiga cajiibka ah ee ciyaartoy badan, waxaana ka mid ah labada xiddig ee kooxda Manchester City Riyad Mahrez iyo Kevin De Bruyne.

Kevin De Bruyne wuxuu ciyaaray seddex kulan bishii Sebtember, wuxuu badiyay 2 kulan, 1 kulana waa laga badiyay, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay 3 gool kale.

Halka xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez  uu dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 1 gool kale.

Labadan xiddig ayaa waxay abaal-marintan kula tartami doonaan xiddiga kooxda Liverpool ee Alexander-Arnold oo wada guuleystay 3-dii kulan uu ciyaaray bishii lasoo dhaafay ee Sebtember wuxuuna dhaliyay gool.

Sidoo kale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka mid ah musharaxiinta abaal-marintan, wuxuu ka soo muuqday kooxdiisa Arsenal 4 kulan, wuxuu guul gaaray 1 kulan, wuxuuna barbaro galay 3-da kulan kale, laakiin wuxuu dhaliyay 5 gool.

Xiddigaha kooxda Aston Villa ee John McGinn ayaa ka mid ah liiska musharaxiintan, kaasoo ciyaaray 3 kulan, wuxuu barbaro galay 2 jeer, waxaana laga adkaaday 1 jeer, isagoo dhaliyay 2 gool.

Sidoo kale liikska musharaxiintan waxaa qeyb ka ah xiddiga kooxda Leicester City Ricardo Pereira, wuxuu ciyaaray 3 kulan, wuxuu badiyay 2 kulan, waxaana laga adkaaday 1 kulan, isoo dhaliyay 2 gool inkastoo uu daafac yahay.

Heung-Min Son oo Tottenham ah, wuxuu ciyaaray 4 kulan, wuxuu guul gaaray 2 kulan, waxaa laga badiyay 1 kulan, halka kulanka kale uu barbaro galay, wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale.

Ugu dambeyntii waxaa liiska musharaxiintan ku soo baxay xiddiga kooxda Bournemouth ee Callum Wilson, wuxuu ciyaaray 3 kulan, wuxuu guul gaaray 2 kulan, halka 1 kulan ay kooxdiisa gashay barbaro, isaga oo dhaliyay 4 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here