Real Madrid oo guul muhiim ah kaga gaartay Granada

0
19

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Granada garoonkeeda Santiago Bernabeu, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay Real Madrid oo ku ciyaareysay garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowga dheesha Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid waxayna ciyaarta noqotay 1-0, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Weles ee Gareth Bale.

Dhamaadka qeybta hore ee dheesha gaar ahaan daqiiqadii 45-aad Eden Hazard ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Federico Valverde.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo Luka Modric ayaa si toos ah u niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Granada ee ku sugnaa garoonka Santiago Bernabeu, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0, waxaana goolkan ka caawiyay ciyaaryahan reer Belgian ee Eden Hazard.

69 Daqiiqo kooxda Granada ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Domingos Duarte oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

77 daqiiqo ciyaaryahanka lagu magacaabo Domingos Duarte ayaa rajo galiyay kooxdiisa Granada wuxuuna dheesha ka dhigay 3-2.

Laakiin daqiiqadii 90-aad James Rodriguez ayaa laabta u qaboojiyay taageerayaasha kooxda Real Madrid ee ku sugnaa garoonka Santiago Bernabeu wuxuuna dheesha ka dhigay 4-2.

Ugu dambeytii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 4-2 ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid oo ku ciyaareysay garoonkeeda Santiago Bernabeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here