Arsenal oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Bournemouth Emirates Stadium, Xilli Manchester City dhagta ciida loo daray

0
22

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay Bournemouth Emirates Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-0 kulan ka tirsanaa kulmada 8-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 9-aad ee bilawoga ciyaarta David Luiz ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Arsenal oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Bournemouth garoonka dhaca waqooyiga magaalada London ee Emirates Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here