Chelsea oo guul raaxo leh ka soo gaartay Southampton St. Mary’s Stadium

0
20

Baladweyne(Radio Beerlula)- Chelsea ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Southampton St. Mary’s Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, kulan ka tirsanaa kulmada 8-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-3 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 17-aad Tammy Abraham ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Callum Hudson Odoi.

24 daqiiqo Mason Mount ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Chelsea wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Willian.

30 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd xiddiga kooxda Southampton ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 1-2, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Yann Valery.

Laakiin 40 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay N’Golo Kante ayaa dheesha ka dhigay 1-3, waxaana goolkan ka caawiyay Marcos Alonso.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna abuureen fursado badan ee goolal loo filan karay, waloow Blues ay u muuqatay kooxda fursadaha ugu badan abuurtay.

Daqiiqadii 89-aad Michy Batshuayi ayaa dheesha ka dhigay 1-4, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Christian Pulisic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-4 ay guusha ku raacday kooxda Chelsea oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Southampton St. Mary’s Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here